Madaxtooyada Puntand ayaa shaacisay in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu sameystay maalin uu Bil kasta dadka la hadli doono.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in maalinta isniinta ee ugu horeysay Bil kasta uu Madaxweyne Deni la hadli doono shacabka maamulkiisa.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bil kasta Isniinta u horeysa u asteeyay maalinta uu Dadweynaha la hadlayo” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland, iyadoo madaxweyne Deni maanta uu jeedin doono khudbadiisii ugu horeysay.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dunida ku faafayo cudurka Coronavirus iyo isku shaandheyn lagu waday in lagu sameeyo golaha wasiirada Puntland oo dib u dhac ku yimid.