Sunday, February 5, 2023

Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu dalka ku jiro xaalad hoggaan la’aan ah

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya ee sida weyn dib ugu dhacay, isagoo ka hadlay kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garowe.

Siciid Deni ayaa sheegay inay dadaal xoog leh ugu jiraan qabashada Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka dowladda Federaalka oo arrimo farsamo sib ugu dhacay, wuxuuna shegay inay diyaar u yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan inay qabtaan Doorahsada.

“Waxaa naga go’an inaan si dhaqso ah u bilowno Doorashada oo sababo farsamo dib ugu dhacay, waxaan ahmiyad siineynaa in lasoo gabagabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira…” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Ad

Mar uu ka hadlay xiriirka dowlad Goboleedyada ayuu yiri: “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland”.

Arrintan ayaa jawaab u ah warar kala duwan oo kasoo baxay maamulka Galmudug, kuna saabsan in Puntland ay taageertay kooxda Ahlu suna oo dagaal la gashay maamulka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!