Friday, April 19, 2024

Madaxweynaha Puntland oo si weyn uga hor yimid Dowladda Soomaaliya, kuna dhawaaqay.. [Daawo]

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay jebisay wixii lagu heshiiyey oo ay ka mid yihiin awood qeybsigii, dhaqaalaha iyo amniga, sidaasina uu dalku ku socon karin.

Madaxweyne Deni oo magaalada Garowe ka hadlay ayaa sheegay in walaaca ay qabto Puntland ay la wadaagtay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay wax waliba sidii ay rabto u dhigto markii ay wax kasta dhamaadaanna loogu yeero.

Deni ayaa si kulul uga hadlay arrinta awood qeybsiga oo lagu takri falay, isagoo soo qaadaya in Bankiga Dhexe uu ahaa xil ay Puntland u lahayd awood qeybsi ahaan si khaldan looga wareejiyay, wuxuu kaloo sheegay habka dhaqaalaha loo maamulo uu khaldan yahay, ayna ku dulman tahay Puntland oo dood badan ka qabta sida loo qeybiyo deeqaha dalka soo gala.

Ad

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhaliilay dowladda inay waxba ka qaban weyday arrimaha amniga, isla markaana aan la ogeyn qaabka doorashada soo socda u dhici doonto, wuxuuna ku dhawaaqay shir wadatashi ah oo 2-da Bisha May la isla gartay inuu ka dhaco magaalada Garowe in looga doodo tabashooyinka ay qabaan Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON