Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed ee magaalada Kismaayo.
Wafdiga Deni ayaa maalmo kadib maray madaxdii kale ee ka qeyb gashay caleemo saarkii Axmed Madoobe, wuxuuna kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Jubbaland, isagoo kala hadlay sidii ay taageero ula garab istaagi lahaayeen Axmed Maxamed Islaam.
Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta maamulkiisa, wuxuuna magaalada Kismaayo u hoggaamiyey wafdi balaaran oo ka socday Puntland, waxayna Puntland tahay maamul Goboleedka kaliya ee aqoonsan dib u doorashada Axmed Madoobe.