Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander George Rondos.
Ergeyga oo uu weheliyey Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska, halka Danjire Alexander Rondos uu sheegay inay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda.




