Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in madax badan ay la xiriireen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyadoo u muujiyey taageeradooda iyo cambaareynta qarixii lala beegsaday isu soo baxay uu ku sugnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee telefoonka kula xiriirtay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si ay ugu muujiyaan taageeradooda, wuxuuna Mudane Famaajo cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Adis ababa ee lala beegsaday bannaanbaxa lagu taageerayey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
“Waxan si adag u cambaareynayaa qaraxii maanta lagula beegsday dadkii kasoo qeyb galay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Horumarka Ethiopia iyo midka gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo argagixin iyo fowdo..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa isna cambaareeyay qaraxa, isagoo sheegay in dad yar oo dano gaara leh ay doonayaan inay hor istaagaan isbedelka uu wado Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, wuxuuna caddeeyay inay Jabuuti garab taagan tahay hoggaanka cusub ee Itoobiya.