Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo Diyaarad Milateri oo Caafimaad u soo diray Muqdisho & Dhaawacyo la qaadayo

Madaxwyenaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa amar ku bixiyay in diyaarad caafimaad oo gargaar degdeg ah ku qalabeysan oo diro magaalada Muqdisho.

Diyaaradan oo ah kuwa caafimaadka ayaa Muqdisho u tegi doonta inay ka qaado dadka dhaawacoodu liito ee wax ku waxyeeloobay qarixii weynaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay la socdaan dhaqaatiir caafimaad oo la tacaalaya dhaawacyada.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsigii dowladda Soomaaliya saacado gudahood, waxaana tani ay muujineysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan  uu yahay shaqsi u dhow umadda Soomaaliyeed.

Sida ay shaacisay saxaafadda Turkiga amarka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa la filayaa in la fuliyo saacado kooban gudahood.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON