Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ka hadlo xogta kiiska dilka ah ee ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul oo lagu dilay Saxafigii Jamal Kashoqgi.
Erdogan ayaa sheegay inuu soo bandhigi doono dhammaan xaqiiqada 15-ka qof ee ka dambeeyay dilkaasi oo Sacuudigu u diray dalka Turkiga, wuxuuna arrintan ku sheegay mid Turkigu ku doonayaan in cadaalad la marsiiyo kuwii ka dambeeyay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa laga cabsi qabaa inuu kiiskan lugaha u geliyo madaxda Boqotooyada Sacuudiga siiba dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, iyadoo Sacuudigu isku dayey inuu heshiis la galo madaxweyne Erdogan si arrintan hoos loogu dhigo balse uu diiday.
Amiir Khaalid Al-feysal oo boqorka Sacuudiga u diray dalka Turkiga oo la kulmay madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay inuu ugu yaboobay lacag fara badan iyo maalgelin Sacuudigu ku sameeyo dhaqaalaha haddii uu ogolaado inuu qariyo kiiska Jamal Kashoqgi Turkiga balse madaxweynaha Turkiga uu ku gacan seyray sida ay qortay Jariirada New York Times.
Xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga ayaa ahaa mid aan wanaagsaneyn kadib markii Sacuudigu ka mid ahaa dalalka sida hoose u taageeray inqilaabkii lagu doonayey in xilka looga tuuro Erdogan, isla markaana Turkiga Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo ah lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday Turkiga.