Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo shaaciyey in Xogta Dilkii Jamal Kashoqgi loo gudbiyey Sacuudiga & Dalal kale

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaciyey in xogta dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi ay la wadaageen dalal uu Sacuudigu ka mid yahay oo aan loo baaheyn in Sacuudigu kiiskaasi meermeeriyo.

Erdogan oo ka hadlayey magaalada Ankara xilli uu ku sii jeeday dalka Faransiiska ayaa sheegay in codadka laga duubay kooxdii dishay Saxafiga Jamal Kashoqgi ay maqashiiyeen dalalka Sacuudiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, isla markaana wax waliba ay cad yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in Turkiga aanu helin meydka saxafiga iyo halkii uu ku danbeeyay, isagoo si cad u sheegay in kooxda ka kooban 18-ka qof ee Sacuudigu u soo diray dilka Jamal Kashoqgi ay ogyihiin cidda amarka dilkiisa bixisay iyo halka uu meydkiisa ku danbeeyay.

Dowladda Sacuudiga ayuu ugu baaqay inay kiiskan soo afjarto oo si cadaalad ah iyo  niyad wanaag ku wajahdo si sharciga hortiisa lagu dhammeeyo, taasoo haddii aysan dhicin aanu ka harin doonin weligood dheg-xumo ka raaci doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON