Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo si kulul u weerarray Go’aankii Donald Trump uga baxay Heshiiskii Niyukliyeerka Iiraan

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayeb Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga baxay heshiiskii Niyukliyeerka Iiraan ee ka dhaxeeyay lix dal iyo dalka Iiraan.

Mareykanka ayuu sheegay inuu noqon doono dhinaca ugu weyn ee qasaaraha kasoo gaari doona tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah oo dunida iyo Gobolka Bariga Dhexe ku keeni doonta saameyn xun.

Isagoo u wararmayay Telefishanka CNN ayuu Madaxweyne Erdogan caddeeyay inaan loo baahneyn xilligan xiisado cusub oo lagu furo Gobolka dhibaateysan. “Mareykanka ayaa ku qasaari doona, maxaa yeelay waxay ka baxay heshiis ay iyadu saxiixday” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in heshiisyada la wada galo ay waajib tahay in la dhowro.

Turkiga ayaa ku biiray dalalka ka hor yimid go’aanka Trump uga baxay heshiiska Niyukliyeerka Iiraan oo ay hore u diideen dalalka Midowga Yurub, Ruushka iyo Shiinaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON