Sunday, June 22, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo Soomaaliya uga mahad celiyey Mowqifka ay ka qaadatay howlgalka Milateriga dalkiisa ee Syria

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa mahad celin diray dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kuwaasoo ku taageeray howlgalka milateri ee ciidamadiis ku galeen Waqooyiga Turkiga.

Isagoo ka hadlayey shir ay yeesheen xildhibaannada xisbigiisa AK Party. ugu jira Baarlamaanka Turkiga ayuu sheegay Madaxweyne Erdogan inuu ku mahad celinayo dalalka ku taageeray howlgalka ay ka wadaan Waqooyiga Suuriya, isagoo yiri: “Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga  Syria”.

Dalalka Somalia iyo Qatar ayaa ka hor yimid go’aan kasoo baxay jaamacadda carabta oo wasiiradeeda arrimaha dibadda shir degdeg ah ku yeesheen dalka Masar, waxaana bayaanka Jaamacadda Carabta soo saartay lagu cambaareeyay weerarka Turkiga ee Waqooyiga Ciraaq, iyadoo lagu dalbaday inay degdeg u baxaan Syria.

Ad

Madaxweynaha Turkiga ayaa si weyn u weerarray dalalka Sacuudiga, Masar iyo jaamacadda Carabta, wuxuuna ku eedeeyay Sacuudiga oo Turkiga ku eedeynaya howlgalkiisa Waqooyiga Syria inuu kumanaan qof ku dilay dalka Yeman, isla markaana duqeeyay suuqyada iyo dugsiyada iyo goobaha caafimaadka dalka Yeman oo uu ka dhigay dal burburay dhinac kasta.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera arrimaha milateriga, wuxuuna taageero dhaqaale ku kabaa miisaaniyadda dalkaasi oo saldhig milateri uu ku leeyahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON