Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Qasriga madaxtoyada Jabuuti kulan kula yeeshay madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta socdaal ku tegay dalka Jabuuti, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka labada dhinac looga wadahadlay xiriika Jabuuti iyo Somaliland, xaaladda Geeska Afrika iyo wadahadalka Somalia iyo Somaliland, iyadoo wafdiyada labada dhinac ay isla soo qaadayaan xiriirka Dhaqalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya, gaar ahaan wadadda cusub ee isku xireysa Jabuuti iyo Somaliland oo xilligan gabagabo ku dhow.
Madaxweynaha Jabuuti oo laba jeer kulamo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu waanwaan hoose ka dhex wado labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, si wadahadal la isugu keeno madaxaweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.
