Madaxdii ugu badneyd ee dalalka deriska iyo saaxiibada Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galeysa xafladda caleemosaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka socota caasimadda Muqdisho.
Madaxda lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka mida:
1- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle
2- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed
3- Ra’iisal wasaaraha Dalka Masar Mostafa Madbouly
4- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
5- Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyan.
6- Wasiirka Arimaha dibada Sacuudiga Faysal Bin Farxaan
7- Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar
8- Ergeyga madaxweynaha Uganda
9- Wasiirka Difaaca dalka Burundi Alain Tribert MUTABAZI
10- Madaxweyne ku xigeenka dalka South Sudan Taban Deng Gai.
iyo Mas’uuliyiin ka kala socota in ka badan 20 Dal. munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqoneysa tii ugu cusleyd ee ay marti geliso caasimadda Muqdisho dhowaanahan.




