Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gaara uga furmay magaalada Garowe, kaasoo ay uga hadlayaan xaaladda Doorashada Dalka.
Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kaddib markii uu Nairobi u joogay xaalad caafimaad, ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, waxaana goor dhoweyd u bilowday kulan uu la leeyahay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, kaasoo ku saabsan la-tashiyo ay ka leeyihiin arrimaha doorashooyinka Federaalka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay heshiiskii Doorashada ee Dhuusamareeb 3, waxayna dalbadeen in la qabto shir loo dhan yahay oo lagu gaaro heshiis Doorasho wadar-ogol ah.
Axmed Madoobe waxaa wehliya C/naasi Seeraar iyo C/rashiid Xiddig oo hore u sheegtay madaxweynayaal, balse heshiis ku dhex maray Magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saarray Madaxweyne Farmaajo inuu qabto shir kale oo loogu yeero madaxda Puntland iyo Jubbaland, kaasoo aan weli la isla garan goobta uu ka dhacayo.
