Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta tegay magaalada Beledweyne ayaa laba ballanqaad u sameeyay dadka Gobolka Hiiraan.
Isagoo khudbad ka jeediyay xaflad lagu soo dhoweeeyay ayuu sheegay inuu diyaar u yahay xal kasta oo laga gaaro tabashada laga qabo maamulkiisa, ayna muhiim tahay in la wadahadlo oo wixii khilaaf ah si walaalnimo ah loo galo.
“Tabasho kasta oo jirta Xal ayaa loo heleynaa waxaan diyaar u nahay inaan ka qancino tabasho kale haddii ay tahay mid maamul, Beeleed iyo mid shaqasi. Aan (Warrano) wadahadalno waa aan walaalowno. Deegaan, dad iyo wadadhalasho ayaa naga dhaxeeyso; Mas’uuliyaddu waa meerto oo maalinba qof ayaa yimaada, shalay waa la hayey, maanta lahaa, berrina waa la heyn doonaa. laakiin wada dhalashada, walaalnimada iyo dowladnimadu ma dhammaneeyso”. ayuu yiri Cali Guudlawe oo dadka Gobolka Hiiraan farriin u diray.
Mar uu ka hadlay doorashada ka dhaceysa magaalada Beledweyne oo ay talalo 25 kursi oo ka tirsan Golaha shacabka ayuu balan qaaday in si cadaalad loo qaban doono. “Beledweyne Doorasho ayaa ka dhacaysa, kumanaan qof ayaa imaanaya magaalada, waxaa la idinka rabaa soo dhoweyn, martigelin iyo amni sugid.. waxaana balanqaadayaa in doorasho daah furan oo cadaalad ah ay ka dhici doonto Beledweyne iyo Hirshabeelle guud ahaan”.
“Waxaan hortiina iyo hor Alle ka ballanqaadaa inaan dadkan si cadaald ah u hoggaamino” ayuu yiri Madaxweynaha Horshabeelle oo maamulka Gobolka Hiiraan ka dalbaday inay warbixin ka keenaan xaaladda abaarta Gobolka si loo bialabo biyo dhaamin iyo gargaara.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta tegay magaalada Beledweyne, kadib muddo sanad ah oo ay koox la baxday Kacoonka Hiiraan diidaneyd inuu tago halkaasi.