Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Deni oo xilka la wareegay & C/weli Gaas oo macsalaameeyay Madaxtooyada Puntland [Sawirro]

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta xilkii la wareegay kadib xaflad kooban ka dhacday xarunta madaxtooyada maamulkaasi ee magaalada Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Cusub Axmed Karaash ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay  Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar (Camey), waxaana xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garowe faarujiyey oo la macsalaameeyay Gaas oo muddo 5 sano xilka soo hayey.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni ayaa balanqaaday inuu la imaan doono waxqabad muuqda, wuxuuna shacabka Puntland ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Waxaa lagu wadaa in bishan gudaheeda uu soo magacaabo Gole wasiiro cusub oo Puntland ay yeelan doonto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON