Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Donald Trump oo fadeexo ka raacday Sawir tabal ah oo uu soo dhigay Baraha Bulshada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fadeexad kala kulmay sawir uu soo dhigay barihiisa bulshada, isagoo ika dhigaya nin xoog badan oo u diyaara inuu dagaalamo, isagoo ula jeeday Mooshinka ay ka wadaan xildhibaannada Xisbiga Dimoqraadiyiinta.

Trump ayaa ku ceeboobay sawir u soo dhigay barihiisa bulshada, kadib markii uu isticmaalay muuqaal uu layaay jilaaga caanka ah ee filimadii RAMBO Sylvester Stallone, waxaana si uu madaxiisa ku rakibay jirka jilaagaasi oo aad u dhisan, isla markaana u diyaar ah dagaal feer ah, wuxuuna muuqaalka jilaaga kasoo qaatay filimkii caanka ahaa ee Rocky IV.

Madaxweyne Trump ayaan wax qoraal ah soo raacin sawirka uu isku rakibay ee jilaaga caanka ah ee Sylvester Stallone, laakiin isla markii sawirkaasi hawada galay ayaa waxaa faallo iyo qoraallo ku harqiyey boqolaal kun oo qof oo ku jeesjeesay Madaxweyne Trump, iyadoo ka dhigtay wax lagu maadeysto, waxaana ay markii danbe arrintu isu bedeshay fadeexad.

Ad

In kudhow Hal milyan oo qor ayaa ka hadlay sawirka Trump, waxaana intooda badan ay weerar ku qaadeen Madaxweyne Trump, halka qaar kale ay ku jeesjeeeen jirkiisa iyo dabcigiisa, dadka qaarkood ayaa Trump ku tilmaamay nin aan u qalmin madaxweyne oo aan mas’uuliyad qaadi karin, qaarka waxa is barbar dhigeen muuqaalka dhabta ah ee Trump iyo midka uu isku ekeysiiyay ee jilaaga caanka ah.

Waa dhaqan cusub in wax aan hore loo arag inuu sidaas oo kale u dhaqmo madaxweyne darajo sare leh, waana taasi sababta keenay in laguy maadsado Trump iyo sawirkiisa macmalka ah, iyadoo la is weydiinayo cidda maamusha baraha bulshada ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON