Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Famaajo oo la shaaciyay inuu booqasho kale ku tegayo Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga soo xigtay inuu booqasho kale ku tegi doono Boqortooyada Sacuudiga.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow Madaxtooyada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga oo nooqnaya kii saddexaad intii uu xilka hayo ayaa lagu wadaa inuu dhaco saacadaha soo socda.

Socdaalkii uu Madaxweyne Farmaajo dhowaan ku tegay dalka  Masar ayaa la sheegay in arrintan lagu soo qaaday oo uu aqbalay, waxaana Sacuudiga oo joojiyay mashaariic fara badan oo Soomaaliya loo balanqaaday la sheegay inay wadahadal hor leh la geli doonaan Farmaajo si ay ugu qanciyaan qorshaha isbaheysiga Sacuudiga.

Socdaalka ee madaxweyne Farmaajo ee Sacuudiga ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya oo ka dhalatay xiriirka Sacuudiga, Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON