Friday, April 26, 2024

Madaxweyne Farmaajo: “Halkaan ‘Baydhaba’ waxaa ka dhacday Doorasho xor iyo xalaal ah..!”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Munaasbadii caleemo-saarka madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay in doorasho xor ah ay ka dhacday halkaasi.

“Waxaan bogaadinayaa sidii qurux badneynd ee ay u qabsoontay doorashada Madaxweynaha KG iyo sida musharaxiintii tartamay ay ugu qanceen natiijada”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray: “Waxaan u mahadcelinayaa Ciidamada ammaanka ee suurta geliyay iney halkaan ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay in la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulada, wuxuuna sheegay inay yihiin hal Dowlad.

Ad

Doorashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed oo 19-kii December 2019 ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo qalalaase markii la xiray musharax Sheekh Mukhtar Roobow, waxayna dowladda Federaalka ku sameysay faragelin keenay inuu ku soo baxo musharixii ay wadatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON