Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo: “Inaan Musuqa la dagaallamay waxaa caddeyn u ah hal Bil naguma baaqan mushaar”

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay la dagaalantay Musuqmaasuqa, ayna waqti qaadan doonto, basle ay caddeyn u hayaan arrintaasi.

Isagoo goor dhoweyd khudbad ka jeediyey isu soo bax ka dhacay garoonka Koonis oo lagu xusayey maalinta 1-da Luulyo ayuu sheegay in dagaalka ay la galeen musuqa ay caddeyn u tahay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada aysan hal bil ka baaqan mushaarkooda oo ay siiyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxda dowladda aysan qabiil ahayn, laguna sheegi karin qabiil, mar haddii ay u dhaarteen dalka iyo dadka, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inaan degmo iyo tuulo lagu ekaan ee Soomaalinnimo la muujiyo.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn loogu eedeeyaa musuq siyaasadeed oo hantida dowladda ay u adeegsato maamul Goboleedyada iyo xildhibaannada Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON