Friday, June 27, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaamajeyay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Shirkii Ururka dalalka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye walba ka wada hadlayeen xoojinta xiriirka waddamadooda.

Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ),markii uu madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON