Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ka sagootiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo 9 maalmood ku sugna Garoowe, isagoo u tegay Wadatashiga madaxda Soomaaliyeed ee lagu kala tegay.
Madaxweyne Farmaajo ku haray magaalada Garowe, waxaana xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay isaga madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana kulamo gaara uu la lahaa madaxda Puntland, kadib markii la isku afgran waayey shirkii madaxda dowladda Somalia iyo dowlad Goboleedyada, iyadoo aan la shaacin arrimihii laga wadahadlay.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna magaalada Garowe ku guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee wax heshiis ahi lagu gaarin.
DAAWO SAWIRRADA






