Waxaa soo baxday dood sharciyeed oo ku saabsan tallaabadii uu qaaday madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iskiis u soo saaray xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka, isagoo toos ugu gudbiyey Baarlamaanka 11-aad.
Wax ka bedelka Dastuurka waxaa sharci ahaan loo maraa Baarlamaanka, lakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa qaatay tallaabo kale oo uu kula wareegay doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana arrintan ka hor yimid xubno ay ka mid yihiin Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.
Tallaabada madaxweyne Farmaajo qaaday waxaa garab ku siinaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo xilligan taageeraya Madaxweynaha, taasoo keenay inuu dalku hadda qarka u saran yahay dastuur la’aan.
Haddaba waxaan halkan idinku soo gudbineynaa Sharcigii Baarlamaanka 9-aad ee Soomaaliya wax ka bedelka ugu sameeyay Qodobka 136-aad ee Dastuurka KMG ah oo caddeynaya hannaanka loo maray sanadkii 2016.

HOOS KA AKHRISO HANNAANKII LOO MARAY SANADKII 2016
SHARCIGA WAX-KA-BEDDELID DASTUUR
Garwaaqsi:
Ayadoo la tixgelinaayo xaaladda siyaasadeed iyo amni uu dalka ku sugan yahay, sharcigan wuxuu dib u dhigaya qabashada aftida qaran ee sida kama dambaysta ah loogu ansixinayo Dastuurka oo lagu sameeyey dib-u-eegista Hadaba si loo suurtogeliyo in kalaguurka muddada xilhaynta Baarlamaanka 9-aad looga gudbo xilqaamidda Baarlamaanka 10-aad kuna hirgasha nabad iyo xasillooni siyaasadeed ku dheehan, waxaa Baarlamaanka Federaalka laga codsanayaa:
a. In uu wax ka beddel dastuureed sameeyo oo Qodobka 136aad Faqradiisa 2aad buriyo si dalkaa looga badbaadiyo inuusan gelin marxalad dastuur la’aan, dibna loo dhigo qabashada aftida Qaranka; b. In muddada xilheynta Baarlamaanka Federaalka si cad loo qeexo si dalka looga badbaadiyo inay ku timaado firaaq jiritaanka hay’adaha Dowladda.
BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA:
Markuu Qaddariyey:
In ay lagama maarmaan tahay in muddada kalaguurka u dhexeeysa dhammaadka xilhaynta Baarlamaanka 9-aad iyo xilqaamidda Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya looga gudbo laguna suurtogeliyo si nabad iyo xasilloni siyaasadeed ku dheehan iyo dhaqan dimuqraadiyadeed oo xor ah;
Markuu Arkay: Qodobka 63aad ee Dastuurka oo awood u siinayo wax-ka-beddelidda Dastuurka.
WUXUU ANSIXIYEY WAX-KA-BEDDELID DASTUUREED
Qodobka 1-aad
Dib-u-dhigista Qabashada Aftida Dastuurka Qaran
- Qodobkan waxaa lagu buriyay Qodobka 136 ee Dastuurka Federaalka Faqraddiisa (2) kuna saabsan qabashada Afti Qaran si kama dambays ah loogu ansixinayo Dastuurka Federaalka.
- Waxaana qabashada Aftidan Qarameed dib loogu dhigay lana abaabuli doona inta lagu jiro muddada xilhaynta Baarlamaanka 10-aad ee 2020.
Qodobka 2-aad
Xilhaynta Baarlamaanka Federaalka
Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada jiritaanka hay’adaha Dawladda, sida ku cad Qodobka 60 (1) muddada xilhaynta Baarlamaanka Federaalka 9aad waa (4) sano, waxayse xilhayntiisa rasmiga ah ku eg tahay maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada Baarlamaanka 10aad ee Cusub.
Qodobka 3-aad
Meelmarinta iyo Faafinta Sharcigan Sharcigan wuxuu dhaqangalaya maalinta lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jumhuuriyadda, ka dib markii Baarlamaanka Federaalku ansixiyo Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalkana ku meelmariyo XeerMadaxweyne.


