Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo miyuu ka tanaasulay Doorasho ‘Qof & Cod’ ah? (Maxaa kala qabsaday Qoorqoor & Lafta-gareen)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu quus ka gaaray qoshihiisii ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah, kadib markii uu taageero uga waayey cid ka baxsan guddoonka Golaha Shacabka.

Tan iyo markii uu is-casilay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ku baxay qorshe ay iska kaashadeen Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa socday dadaallo madaxweynaha ku doonayey inuu dhiso isbaheysi doorasho oo ka kooban Madaxtoyada, Golaha Shacabka, Saddexda maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed, kadibna labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay meel cad kusoo dhacaan.

Qorshaha Farmaajo ayaa shaqeyn waayey markii ay si cad uga hor yimaadeen madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waarre iyo K/Galbeed C/casiis Xasan lafta-gareen oo kulan gaara horaantii bishan uu kula yeeshay xarnta madaxtooyada, isagoo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah, laakiin dhammaantood waxay u sheegeen inaysan suuragal ahayn xilligan.

Xogta laga helay Madaxtooyada ayaa sheegeysa in culeyso badan ku furmeen madaxweyne Farmaajo, taasoo ay u wehliso soo magacaabo Ra’iisal wasaare uu ku kalsoonaan karo, waxaana la sheegay inuu soo taabtay xaqiiqada ah inuusan socon karin qorshaha Doorasho iyo waqti kororsi oo ay taageeradiisa keli ku noqdeen Guddoomiyaha Golaha Shacbka Maxamed Mursal Sheekh iyo Ku xigeenka koowaad C/weli Ibrahim Muudey oo xildhibaano kuraastooda u baqaya ay wehliyaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweyne Qorshaha cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu yahay inuu shirka Dhuusamareeb 3 kala soo laabto nidaam Doorasho oo ka duwan kii ergada ay soo xuleen odayaasha ee 2016, balse aan ahay Qof iyo Cod; waxaana qorshahaasi looga fadhiyaa inuu ka dhaadhiciyo Baarlamaanka Aqalkiisa Golaha Shacabka, isagoo u ballan qaadaya in go’aannada lagu gaaro Dhuusamareeb la hor keeni doono Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON