Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho degdeg ah ku tegaya Jabuuti [Eritrea & Jabuuti oo la dhexdhexaadinayo]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Berri u socdaalo dalka Jabuuti, isagoo kulamo la yeelan doona madaxweynaha Jabtuuti.

Socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii meesha loog saari lahaa madmadow soo galay kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqii uu kasoo saaray magaalada Asmara ee ku saabsanaa in cunaqabteynta laga qaado dalka Eritrea, kaasoo si weyn uga careysiiyey dalka Jabuuti.

Madaxtooyada  Soomaaliya ayaa xaqiijisay safarka  Madaxweyne Farmaajo ku tegayo dalka Jabuuti, iyadoo socdaalkiisa ku sheegtay inuu la xiriiro  xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.

Socdaalka Farmaajo ayaa imaanaya saacado kadib markii ay Muqdisho ka dhoofeen wafdi ka socday dowladda Eritrea oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi, iyo kulan magaalada Khartoum dhowaan ku dhex maray madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Warar xogogaal ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhexdhexaadineyso dalalka Jabuuti iyo Eritrea iyadoo farriin uu Madaxweyne Farmaajo ka sido madaxweynaha Eritrea u gudbin doono dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON