Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo opo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa booqday xarunta degmada Howlwadaag oo dhowaan qarax is-miidaamin ah lagu burburiyey.
Goolaha uu booqday waxaa ka mida ahaa Masjidkii, Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag, isagoo la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.
“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”
Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si degdeg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxdan arxan-laawayaasha ah.
HOOS KA DAAWO