Friday, July 11, 2025

Taliyaha Ciidamada Milateriga oo saddex Arrimood ka codsatay Saraakiil ka socotay Mareykanka (Akhriso)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Mareykanka ka dalbaday inay xoojiyeen weerarrada lagu qaadayo kooxda Alshabaab, isla markaana ay kordhiyeen tababarrada iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

Taliyga ciidamada Milateriga ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay dawladda Mareykanka  oo ay ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale, waxayna si gaara ay labada dhinac uga wadahadleen sidii dawladda Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri laheyd xoreynta dalka, tababarka ciidanka, is dhaafsiga khibradaha ciidanka iyo qodobo kale.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu dalbaday in Al Shabaab si degdeg ah looga saaro dalka, taas bedelkeedana waxay keentay in dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xoogan, waxaana dagaalkaasi dalka looga saarayo cadowga leynaya shacabka”. Ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Dawladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyadoo gacanta ku heysa ciidamada kumaandooska ee Danab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON