Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa xaflada ka qeyb galay madaxda ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka sare, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Khudbadii furitaanka ee Madaxwayne Farmaajo ayuu ugu baaqay mudanayaasha inay ka shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa midnimo siyaasadeed iyo metelaad shacabi, kana qeyb qaataan dib-u-hanashada qarannimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka socday in Aqalka Sare iyo Golaha shacabka ay wada shaqeyn yeeshaan, isla markaana degdeg loo guda galo arrimaha waaweyn ee horyaala Aqalka Sare oo ay ugu muhiimsan tahay dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.