Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay culimada diinta inay xoojiyaan kaalinta uga aaddan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, isagoo.ugu baaqay inay iftiimiyaan khaladka fahamkooda ee diinta.
Isagoo kulan la yeeshay xalay Culimo kala duwan ayuu sheegay madaxweynaha in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha la doonayo in cirib-tiro argagixisada iyo fikradaha dib u dhigay dowladnimada sida qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.
Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”
Culimadii kulanka Madaxtooyada ka qeyb gashay ayaa aragtidooda u sheegay Madaxweynaha, iyagoo soo jeediyey tallooyinkooda sida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loo xoojin karo.