Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo degdeg u tegaya magaalada Dhuusamareeb & cadaadis kasoo wajahay…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta tegaya magaalada Dhuusamareeb, kadib khudbad uu ka jeedinayo Golaha Baarlamaanka oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Doorashada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hor waaberigii saaka soo saartay qoraal ay ku sheegtay in Madaxweynaha uu maanta u socdaalayo magaalada Dhuusamareeb oo ay ahayd inuu maanta ka furmo wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, kaasoo go’aan looga gaarayo Nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Guddiyada Farsamada Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay Dhuusamareeb uga shiraan “Qaabka Doorasho la isla ogol yahay” oo suuragal ah in dalka ay ka dhacdo.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga..” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada oo safarka madaxweynaha ku micneeyay xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sii wadada wadahadalka.

Somali leader heads to Eritrea in possible diplomatic thaw

Arrintan ayaa timid iyadoo Beesha Caalamka ay xalay soo saartay war-saxaafadeed culus ugu baaqday madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada inay ka qeyb galaan shirka Dhuusamareeb, iyadoo xusuusisay in waqtiga u harsan hay’adaha dowladda Federaalka uu sii dhammaanayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON