Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka iyo Soomaaliya.
Farriin muuqall ah oo madaxtooyada Soomaaliya ay soo duubtay ayuu Farmaajo uga hadlay xiriirada iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya la yeelaneyso, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.
Wuxuu difaacay iskaashiga dalalka Geeska Afrika, isagoo sheegay inay faa’iido badan ugu jirto dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dalal kale lagu casuumayo iskaashigaasi sida Jabuuti, iyadoo shirka soo socda lagu qaban doono Muqdisho.
HOOS KA DAAWO