Wednesday, July 30, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Diyaarad ku imaanaya Magaalada Gaalkacyo iyo Diyaargarow ka socda Galmudug [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu magaalada Gaalkacyo ku yimaado qeybtii labaad ee socdaalkiisa uu ku tegi doono degaanada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo shalay dib ugu laabtay ayaa maanta u tegaya magaalada Gaalkacyo soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa booqan doona degaanada Galmudug, sida uu sheegay madaxweyne Xaaf, wuxuu Famaajo socod dhulka ah ka bilaabi doonaa magaalada Gaalkacyo isagoo mari doona magaalooyinka Galmudug ee Cadaado, Dhuusamareeb, Caabudwaaq iyo Guriceel.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdisamad Macalin Maxamuud oo dowlada Somalia u qaabilsan xariirka gobolada dhexe ayaa abaabulka soo dhoweynta madaxweynaha u tegay Dhuusmareeb.

Waxaa Gaalkacyo ku wajahan wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug oo Muqdisho ka tegaya iyagoo ku biiraya madaxda Galmudug ee Gaalkacyo isugu tegay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa iyadana si weyn loo adkeeyay amniga iyadoo si weyn loogu diyaar garoobay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo, waxaana Garoonka goor dhow gaari doona xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Image may contain: 6 people, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people standing and outdoor

Image may contain: one or more people and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: 1 person

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON