Friday, July 11, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin Ergo ahaan ugu diray Madaxweynayaashii hore & kulan…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Wakiil u diray Madaxweynayaashii hore ee dalka, si uu loo bilaabo xiriir iyo wadahadal ay yeeshaan.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo si weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir la sameeyay madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna isku waafaqeen inay kulan yeeshaan, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu kulankooda ka socdo Hoyga madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh.

Kulanka Fahad Yasiin oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo xaaladda dalka, siiba Magacaabidda Ra’iisal wasaaraha cusub oo saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo, Arrimaha Doorashada, balse uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka gaabsaday arrimaha siyaassadda.

Fahad Yaasiin ayaa hore ula kulmay madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif xilli ay xiisad weyn dhalisay go’aan magaalada Kismaayo looga celiyey diyaarad uu la socday Sheekh Shariif, wuxuuna qabanqaabiyey kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo lagu qaboojiyey xiisadii labada dhinac, inkastoo markii danbe Farmaajo lagu eedeeyay inuu fulin waayey ballanqaadyadii uu sameeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON