Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo fuliyey Mid ka mida Qodobo uu ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland (Raaligelin loo diray…)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fuliyey mid ka mida qodobbo la sheegay inuu ka dalbaday Madaxweynah Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhowaan kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee magaalada Adis ababa.

Isagoo soo xiray shirkii Sanadlaha ah ee Garsoorka ayuu Madaxweyne Farmaajo cudurdaar iyo garowshiyo ka bixiyey dhibaatadii dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre kula kacday dadka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray inuu bixinayo raaligelin.

“Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib kulan uu qabanqaabiyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasoo aanay labada dhinac wax faahfaahin ah ka bixin, balse ay xaqiijiyeen inuu dhacay.

Muuse Biixi oo hore shuruudo adag ugu xiray inuu hor fariisto dowladda Soomaaliya iyo madaxdeeda ayaa culeys uga yimid dhinaca Itoobiya, kaasoo keenay kulanka ka dhacay Addis ababa, waxaana Madaxweyne laga dalbaday inuu qaado arrimo dhowr ah oo niyad wanaag abuuraya inta aan wadahadal toos ah labada dhinac yeelan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON