Safiirka dowladda Mareykanka u jooga magaalada Muqdisho Donald Yamamoto ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kasoo laabtay dalaka Jabuuti.
Kulanka Safiirka Mareykanka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Safiirka iyo madaxda Mareykanka ee Soomaaliya ay madaxda dowlada Somalia kula kulmaan garoonka Muqsisho iyo xeyndaabka Xalane oo aysan dhaafi karin arimo amni awgood.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiirka uu madaxweyne Madaxweyne Farmaajo dib ugu xaqiijiyey taageerada Mareykanku siinayo xasiloonioda horumarinta arrimaha Bani’aadamnimada.
Warbaahinta dowladda ayaan inta badan ka hadlin kulamada dhex mara Madaxda Soomaaliya iyo Mareykanka ee ka dhaca Garoonka Muqdisho, siiba madaxweyne Farmaajo.

