Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb qalay Shirka Amniga ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo aaaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Amniga iyo Caddaaladda oo ay yeeshaan qeyb ka mida Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Shirka ayaa la sheegay in oo looga hadlay dardar-gelinta halbeegyada xukuumadda Soomaaliya ee u gaarka ah Wasaarahada ku mideysan arrimaha sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka, waxaana uu dhageystay qorshaha xukuumadda ee Amniga ku saabsan.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, wasiirada, taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Hay’adaha Amniga Gobalka ayaa ka qayb galay kulanka, waxaana Madaxweyne Farmaajo u sheegay dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyada ku dhammaanaya sanadkaan 2019-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaliilaa inay ka gaabisay dhinaca amniga oo halka ugu weyn ee madaxdeeda ay balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON