Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.
Madaxweynaha oo shalay ka hadlayey magaalada Cadaado ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay weydiisatay Sucuudiga lacag badan oo dhan $4 bilyan oo doollar, waxaana uu intaasi ku daray in Sacuudigu aysan ka diidin codsiga ay soo jeediyeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta ugu horeaysa ee lacagtaasi ay tahay dhismaha garoon diyaaradeed iyo dib u dhiska xarrumaha dawladda.
Wuxuu intaas ku daray in wixii ay weydiisteen Sacuudiga ay ka heleen, laakiin looga baahan yahay in qorshaheeda ay la yimaadaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tirada lacagta ay weydiisteen Sacuudiga oo ah mid aad u badan, iyadoo aan la ogeyn waxa lagu saleeyay, laakiin markii uu ka soo laabtay socdaalkiisii ugu horeeyay ee Sacuudiga ayuu Farmaajo sheegay in Sacuudiga ay mashaariic badan ka fulinayaan Soomaaliya.