Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer kedis ah ku maraya Xeryaha ciidmada magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in kormeedka madaxweynaha uu ka bilowday Xerada Bangala ee Degmada Deeyniile, wuxuuna sidoo kale tegi doonaan saldhigyo kale oo la sheegay inuu u kuurgeli doono xaaladda ciidamada.
Kormeerka madaxweynaha ayaan maanta laga dareemin magaalada Muqdisho, iyadoo sidii hore u dhici jirtay aan loo xirin wadooyinka iyo goobta uu tegayo, taasoo ahay isbedel ku yimid xaaladii maalmihii ugu danbeeyay ay ku jirtay Muqdisho.