Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmajo oo ku dhawaaqay Wejiga 2aad ee dhismaha Galmudug [Shahaado la siiyey Xaaf & Sheekh Shaakir [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay soo xiray Shirkii Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa shahaado sharaf lagu aqoonsaday doorkii ay geysteen guddoonsiiyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Shahaado sharafta guddoonsiiyay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir Cali ayaa lagu sheegay inay ahayd doorkii ay ka qaateen dib heshisiinta, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu sheegay tanaasulkii Xaaf inuu ahaa geesinimo markii uu arkay inuusan hore u socon karin, halka uu Sheekh Shaakir ku amaanay dadaalkii uu geliyay in Galmudug oo mideysan.

Dhinaca kale shahaado sharaf ayuu madaxweynaha guddoonsiiyey Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo guddigiisu uu soo qabanqaabiyey shirka dib u heshiisiinra ee xalay lasoo xiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaciyey in loo gudbay wajigii labaad ee hismaha maamul mideysan oo Galmudug ay yealato, iyadoo wejiga labad lasoo xuli doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo isna dooran doona madaxda Galmuduug


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON