Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan la qaatay casho sharaf ah iyo wadahadal la yeeshey madaxda Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.
Kulanka ayaa la isku weydaarsaday fikirka kooxda Ahlu suna ay ka qabto ee wadahadalka lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Galmudug.
Ujeedka kulanka iyo cashada ayaa ahayad in la dardargeliyo wadahadallada magaalada Muqdisho uga furmaya Galmudug iyo Ahlu suna.
Waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur.
Ahlu suna ayaa la sheegay inay aad u fog yahay mowqifkooda oo sidii la filayay ay ka xag jirsan yihiin sida ka muuqatay go’aanada iyo shuruudaha ay wataan.
SAWIRRO