Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Mas’uul jago cusub wata ku soo kordhiyey Madaxtooyada [Akhriso]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mas’uul cusub ku soo kordhiyay Madaxtooyada, kaasoo loo magacaabay inuu noqdo kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa jago cusub oo ah kaaliye u magacaaba nin lagu magacaabo Deeq Xasan oo ka yimid dalka Mareykanka, isla markaana ka mid ahaa wafdigii madaxweynaga uga horeeyay degmada Caabudwaaq.

Magacaabida Kaaliyaha gaaska ee Madaxweynaha ayaa waxaa ka dambeeyay agaasime ku xigeenka madaxtooyada C/qaadir Shoole oo mas’uulkan cusub kula kulmay Nairobi, iyadoo ay isu dhow yihiin madaxweynaha.

La-taliyeyaasha iyo madaxweynaha Soomaaliya ee faraha badan iyo xubnaha ka howlgala madaxweynaha ayaa hadda tiro ahaan ku dhow golaha wasiirada, waxayna Madaxtooyada ka mid tahay meelaha ugu badan ee miisaaniyadda dowladda ay ku baxdo shaqaalaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON