Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo safarkii labaad ku tegaya Maanta dal ku yaalla Galbeedka Afrika

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta safar kale ku tegaya dalka Ivory Cost.
Madaxweyne Farmaajo oo shalay ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweyaha Kenya ayaa dalka Ivory Cost uga qeyb geli doona  shieweynaha Midowga Yurub iyo Midowga Afrika oo ay ka qeyb galayaan madax badan oo Afrikaan ah.

Shirka labada midow ee Afrika iyo Yurub ee sanadkan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha dhalinyarad iyo horumarintooda, waxaana madaxda ka qeyb galaya ka mida kuwa ugu caansan dalalka Midowga Yurub iyo Afrika.

Madaxweynaha Soomalaiya ayaa khudbad ka jeedin doona shirka taasoo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xaaladda adag ee Soomaaliya mareyso. Waa safarkii labaad ee Farmaajo ku tago dal afrikaan ah iyo markii ugu horeysay ee uu tagi Galbeedka Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON