Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Miisaaniyadda Dowladda ee 2019 daqiiqado ka hor Sanadka cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa saxiixay miisaaniyadda daqiiqado yar ka hor inta uusan dhammaan sanadkii tegay ee 2018 xalay saqdii dhexe, waxayna ka dambeysan markii qeylo dhaan ka keeneen miisaaniyadda Aqalka Sare oo dadaal ugu galay inay ka doodaan oo ay dhinacooda ka ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in  miisaaniyaddani ay ka markhaati kaceyso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si degdeg ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2019, iyadoo aan dood weyn laga yeelan, taasoo lagu micneeyay waqtiga oo yaraa iyo cabsi laga qabay in xilligu ku dhaco.

Aqalka Sare oo shalay yeeshay shir ay albaabada u xiran yihiin ayaa isku khilaafay arrinta miisaaniyadda oo ay hore ansaxsadeen qodob awood u siinaya inay iyaguna dhinacooda ansixiyaan miisaaniyadda, waxaana intii uu socday shirkii Aqalka Sare Madaxtooyada looga yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON