Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyay ciddii ka dambeysay weerarkii is-midaaminta ahaa ee Sabtidii 14-ka Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo u waramay Telefishanka Aljazeera ayaa sheegay in Alshabaab ay ka danbeeyeen qaraxa oo lagu dilay 300 qof. Isagoo sheegay in xogta laga helay qaraxii Sabtidii ay tilmaameyso inay Alshabaab ahaayeen kuwii falkaasi geystay.
“Weerarku wuxuu ahaa mid farahoodii ka muuqdaan, waana wixii ay sameyn jireen..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo beesha caalamka ugu baaqay inay gacan xoog leh ka geysato dagaalka lagula jiro Alshabaab.
“Haddii ay halkan guul ka gaaraan waxay si fudud fekerkooda xun u gaarsin karaan dhalinyarada Mareykanka iyo Yurub” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay mas’uuliyadda qaraxa sheegan doonaan oo laga yaabo inay dareemeen xaalad culus.
Warka madaxweyne Farmaajo ayaa soo baxaya iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay inay caawa soo bandhigi doonto xogta rasmiga ah ee Qaraxii Isgoyska Soobe.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA ALJAZEERA TV