Madaxweyne Farmaajo oo socdaal ku maraya degaanada Puntland ayaa socdaal dheer oo dhinaca dhulka ah uga bilaabanaya degaanada Puntland.
Safarkan dhinaca dhulka ah ayaa ka bilaabanaya Magaalada Garowe isagoo socon doona ilaa magaalada Boosaaso, waxaana filayaa inuu booqdo dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Qardho, Waaciye, Carmo, Boosaaso iyo degaanno kale oo ay ka socoto qabanqaabadda soo dhoweyta madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in socdaalkiisa Puntland la xiriiro sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaalada dadka iyo noloshooda, isagoo kulamo la yeelan doona maamullada iyo dadka degaanadaasi.
Safarkan ayaa noqon doonaa safarkii ugu horreeyey ee madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku socdaalo dhinaca dhulka.