Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay diyaaradii Ethiopian Airlines ee saaka ku dhacday duleedka magaalada Addis ababa.
“Waxaan aad uga murugooday shilkii musiibada ahaa ee qabsaday duulimaadkii ET302. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka, waxaan dirayaa tacsi tiiraanyo leh. Waxaan ugu duceynaayaa ehelada -dadkii dhintay- samir. Waxay ahayd maalin murugo..” ayuu farriintiisa ku yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya- Maxamed C/llaahi Farmaajo
Madaxda dalalka caalamka qaarkood ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana ka mida madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha Eritrea iyo madax kale.
Itoobiya ayaa looga dhawaaqay baroordiiq soconeyda muddo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigay calanka dalkaasi, waxaana dadka shilka ku dhintay ay kasoo kala jeedaan 35 dal, waxaana ku jira saddex qof oo Soomaali ah.