Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda Itoobiya iyo Xukuumada oo War soo saartay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda Dimoqraadiga Federaalka iyo Shacabka Itoobiya, isagoo uga tacsiyadeeyay dilkii saraakiisha iyo mas’uuliyiinta maamulka Amxaarada.

Qoraal uu madaxa warfaafinta soo diray oo lagu faafiyey barta twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu si weyn u cambaareeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay Gobolka Amxaaradda, isagoo dowladda Itoobiya u xaqiijiyey inuu garab taagan yahay dadka Itoobiya.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somalia ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay afgembiga la isku dayey Gobolka Amxaarada Itoobiya, waxaana dowladda Somalia ay tacsi u dirtay dalka Itoobiya oo saaxiib iyo isbaheysi dhow ay leeyihiim.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

H.E President @M_Farmaajo sends sincere condolences to the Govt and the people of Federal Democratic Republic of #Ethiopia over the killing of security & administrative officials. H.E condemns the attempted coup in Amhara Region & stands in solidarity with the people of Ethiopia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON