Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u dhoofo Dalka Qatar, isagoo booqasho rasmi ah uga bilaabaneyso dalkaasi.
Booqashadan oo ah tii labaad ee uu madaxweyne ku tago dalka Qatar ayaa dib ugu dhacday arrimo kala duwan, waxaana lagu soo beegay xilli uu aad u xumaaday xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo Qatar.
Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la kulmi doona Aniirka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar siineyso Soomaaliya.
Qatar ayaa aakhirkii sanadkii hore ku dhawaaqay inay mashaariic horumarineed ka fulineyso Soomaaliya, iyadoo dib u dhis ku sameyneysa Wadooyinka Muqidsho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar oo ay ku baxeyso lacag dhan 200 Milyan Doolar.
Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Qatar ayaa ah mid aad isugu dhow, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyo inay si toos ah ula safatay dalka Qatar.