Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo War Degega kasoo saaray Go’aankii Golaha Wasiirada ee Muddo kordhinta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war degdega oo uu soo aaray kusoo dhoweeyay baaqii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyda ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay inay lagama maarmaan tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON