Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa War kasoo saaray Qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay askartii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday.
Wuxuu sheegay in weerarada aragagaxisadu aanay cabsi gelin doonin shacabka iyo dowladda isagoo yiri: “Weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheega in weerarradii maanta oo kale aysan ka hor istaagi doonin asii xoojinta la-dagaalka argagixisada. ‘“Maleeshiyaadka argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.” ayuu ku yiri farriintiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu xilka qabtay sheegay inuu muddo 2 sano ah ku soo afjari doono dagaalka Alshabaab, dalkana ka saari doono, taasoo u muuqata balanqaad dhicisoobay.